Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

“Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Safiirka Dowlada Uk u jooga Soomaaliya

Next Post

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah “SAWIRRO”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In