Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Morocco oo kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad wax wadaag ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (26 Maarso) Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka.

Xiriirka u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas Soomaaliyeed ayaa degay oo ku noolaaday Magaalada Ouarzazate, oo ku taalla koonfur bari dalka Marocco, halkaasi oo ay Soomaalidu ka dhiseen Masjidkii ugu horreeyay ee dhaxal taariikheed ah sanadkii 1922, waxaana loogu yeeraa Masjidka Soomaalida.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa waxa ay carabaabeen inay ku faanayaan heerka fariidnimo ee xiriirka Soomaaliya iyo Marocco, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashi dhinac kasta leh, si gaar ah arrimaha dhaqaallaha, maalgeshiga, amniga, milatariga, dhaqanka, cilmiga, garsoorka, arrimaha qunsliyadeed iyo bulsho, iyo sidoo kale in la isku duba-rido , lagana tashado mowqifyada laga qaadanayo arrimaha kala duwan oo ah wax ka dhabaynaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Intii wadahadalladu socdeen, labada wasiir waxa ay wada saxiixdeen seddex heshiis is-afgarad oo kala ah dhimaha guddi iskaashi oo wadaag ah, habka latashiyada siyaasadeed iyo tababarada diblomaasiyadeed oo ah heer akadeemi iyo cilmiyeed.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka

Next Post

Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha Dalka ee furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha Dalka ee furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha Dalka ee furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In