Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Ganacsatada ugu baaqay inay shacabka u naxariistaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hambalyo Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo noqday Madaxweynaha 9aad ee Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa kulan la qaatay ganacsato mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshadaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” wuxuu ganacsatada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre kala hadlay laba qodob oo aad u muhiimsan” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoorre.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Agaasimaha Rugta Ganacsiga oo ahdalkiisa sii wata ayaa yiri “Soomaaliya waxaa ka jira Abaaro sameeyey dadka iyo duunyada, sidaa daraaddeed iney Ummadda Soomaaliyeed kuwooda wax haysta oo ay ganacsatada hoggaamineyso iyo Qurba joogta u gargaaraan dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen tan iyo inta ay dowladda ka cago dhiganeyso, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Gabeyre isagana waa uu aqbalay”.

“Qodobka labaad ee uu Madaxweynaha kala hadlay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah in ay dowladda ka gaacansiin doonto ganacsatada dhammeystirka shuruucda qabyada ka ah ganacsatada taasoo laga talo gelin doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiga dalkooda” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha J.F. Somaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay aad ugu naxariistaan shacabka Soomaaliyeed ee haatan dhibaatada badan ay heesato.

Previous Post

Gudoonka Baarlamaanka oo Ka tacsiyeeyey geerida ku timid xildhibaan Siciid Xasan Geedi.

Next Post

Axmed Madoobe oo ku baaqay in la taageero Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Next Post
Xildhibaanada Maamulka Jubbaland oo lagu kordhiyay Xubno Cusub

Axmed Madoobe oo ku baaqay in la taageero Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In