Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubta”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Previous Post

Madaxweyne Laftagareen iyo danjiraha UK ee Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo doorashada kamid tahay +Sawirro

Next Post

Taliyaha ciidanka dhulka XD oo kormeeray taliska Gor-gor

Next Post
Taliyaha ciidanka dhulka XD oo kormeeray taliska Gor-gor

Taliyaha ciidanka dhulka XD oo kormeeray taliska Gor-gor

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In