Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ayaa ka warbixiyey fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay u leedahay Hindisaha Shiinaha ee Kaabayaasha Dhaqaalaha (Road and Belt Initiative).

Madaxweynaha ayaa sheegay in Afrika guud ahaan, gaar ahaanna Soomaaliya ay wax badan ka baran karto guulaha Shiinaha, isaga oo xusay in guulahaas lagu gaari karo madallaha ay ka mid tahay Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, taasi oo kor u qaadaysa isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo iskaashiga guud.

“Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wadahadallada, heshiisyada iyo dib u eegista qorshayaashii hore, taas oo keentay in qodobbo waxtar leh ay ka soo baxaan shirkan. Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee “Dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal” iyo qorshe-hawleedkii Beijing.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay horumarka baaxadda weyn ee ay ku tallaabsatay DFS, si dalku u gaaro nabadgelyo, xasillooni iyo horumar.

Madaxweynuha ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ay wajahayso sida argagaxisada iyo isbeddelka cimiladu ay carqalad weyn ku noqon karaan horumarka dalka, balse lagaga hortagi karo kor u qaadista dowladnimada, horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo xoojinnta maalgashiga ilaha dhaqaalaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, qorsheyaasha dib u habayneed iyo dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan horumarinta shacabka Shiinaha iyo dhaqaalaha dalkooda.

Previous Post

Cabdullaahi Gaafoow oo Ku Guulaystay Kursigii Doorashada ee Golaha shacabka

Next Post

Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In