Wednesday, August 10, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madaxweyne Farmaajo oo ku qaabbilay Madaxtooyada Qaranka Ciyaartooyda Dalkeenna ku matalaya Olombikada Adduunka “SAWIRRO”

July 15, 2021
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ku qaabbilay Madaxtooyada Qaranka Ciyaartooyda Dalkeenna ku matalaya Olombikada Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya Dalkeenna Ciyaaraha  Olombikada Adduunka ayaa ku dhiirri-geliyey in ay kor u qaadaan magaca iyo sumcadda dalkeennu uu ku leeyahay ciyaaraha Olombikada.

Kulankan oo ay goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse iyo Sarakiil ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu guddoonsiiyey Cali Iidow Xasan oo ka mid ah xiddigaha matalaya Dalkeenna Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uga dhex muujiyo Fagaaraha Olombikada Adduunka.

Related posts

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

August 10, 2022
Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

August 10, 2022

“Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa idin garab taagan oo bandhiggiinna sugaysa, iyaga oo idinka rajaynaya in aad ka miro-dhalisaan tababarkiinna iyo dadaalkii la idinku bixiyey. Natiijo kasta oo aad kala soo laabataan Ciyaaraha Olombikada Jabbaan waxaad ku mudan tihiin bogaadin iyo dhiirri-gelin.”

Dalkeenna waxa ku matalaya Tartankan Ciyaaraha Olombikada Adduunka labo ciyaartooy oo kala ah Cali Iidow Xasan oo ka qeyb-gelaya ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 800-Mitir iyo Ramlo Cali oo ku matalaysa Feerka ahna gabadhii ugu horreysey ee Soomaaliyeed oo ka qayb gasha tartan Caalami oo heerkan ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciyaaryahannada Qarankeenna ku matalaya Olombikada Adduunka u rajeeyay guul, isaga oo xusay magaca iyo maamuuska Qaran ee ay huwan yihiin.

 

Previous Post

Wakiilo ka socday dalalka IGAD oo shir looga hadlayay Amniga ugu soo gaba gaboobay Ethiopia

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay shir ku saabsan horumarinta fursadaha Ganacsi ee ka jirta dalka “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay shir ku saabsan horumarinta fursadaha Ganacsi ee ka jirta dalka “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay shir ku saabsan horumarinta fursadaha Ganacsi ee ka jirta dalka “SAWIRRO”

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in go'aanka Dowladaha  Finland iyo Sweden ee ku saabsan ku biirista NATO...

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

August 10, 2022
0

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guuddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii 7-bishan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guuddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii 7-bishan

August 10, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Warshadaha Soo Saara Qalabka Ciidamada Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Warshadaha Soo Saara Qalabka Ciidamada Uganda

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In