Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Mutadawiciinta joogtada ah ee Ololaha Isxilqaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Mutadawiciinta joogtada ah ee Ololaha Isxilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay mutadawiciinta hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan ayaa ku dhiirrigeliyey in ay kordhiyaan dadaalkooda si degdeg loogu soo gabagabeeyo dib u dhiska Caasimadda, looguna gudbo wajiga labaad ee Olalahan oo lagu hormarinayo guud ahaan gobollada dalka.

Mutadawiciintan oo isugu jira Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan goobaha dib loogu dhisayo Ololahan ee ilaa haatan gabogabada maraya oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Madxafka, Maktabadda, Taalooyinka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay sida wadaniyadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu hureen dib u dhiska dalkooda maal iyo muruq, taas oo horseedeysa in dib loo soo celiyo goobihii muhiimka u ahaa bulshada iyo bilicda dalkeenna.

“Shaqadan muhiimka ah ee aad heysaan waa mid wax taraysa mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna. Waxaan idin ku bogaadinayaa in aad sii xoojisaan doorka aad ka qaadaneysaan Ololahan, muwaadiniinta kalana aad ku wacyigalisaan idinkoo dareensiinaya qiimaha uu leeyahay”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay sooyaalka dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay si mutadawacnimo ah u dhistaan dalkooda oo ay aaminaan gacmahooda, isaga oo si faahfaahsan u soo bandhigay mashaariicdii, xarumihii iyo goobihii taariikhiga ahaa ee dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u hirgaliyeen oo ilaa maanta la intifaacsado.

Previous Post

Dhulgariir dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay dalka Turkiga

Next Post

TOOS: Xafladda abaalmarinta Safarka iyo Dalxiiska oo ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Next Post
TOOS: Xafladda abaalmarinta Safarka iyo Dalxiiska oo ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta

TOOS: Xafladda abaalmarinta Safarka iyo Dalxiiska oo ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In