Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa maanta kulan la qaatay ganacsato mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshadaha.

Kulanka uu Madaxweynaha J. F. Soomaaliya la yeeshay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo warsahadaha Soomaaliyeed oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda u sharraxay qodobbadii looga hadlay kulankaasi Agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoorre

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” wuxuu ganacsatada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre kala hadlay laba qodob oo aad u muhiimsan” ayuu yiri Mr. Dhoorre.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga oo ahdalkiisa sii wata ayaa yiri “Soomaaliya waxaa ka jira Abaaro sameeyey dadka iyo duunyada, sidaa daraaddeed iney Ummadda Soomaaliyeed kuwooda wax haysta oo ay ganacsatada hoggaamineyso iyo Qurba joogta u gargaaraan dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen tan iyo inta ay dowladda ka cago dhiganeyso, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Gabeyre isagana waa uu aqbalay”.

“Qodobka labaad ee uu Madaxweynaha kala hadlay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah in ay dowladda ka gaacansiin doonto ganacsatada dhammeystirka shuruucda qabyada ka ah ganacsatada taasoo laga talo gelin doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiga dalkooda” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Safiirka dalka Talyaaniga ka guddoomay Dhambaal Hambalyo ah uu kaga siday madaxweynaha dalkaasi.

1 unnamed

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In