Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ku baaqay in Xukuumadda la Ansixiyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 27, 2017
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin safarkii ugu danbeeyay oo uu tagay Dalka Kenya, Xaalada dalka, Abaaraha, dagaalka lagula jira Al-Shabaab, Xukuumadda Cusub iyo arrimo kale.

Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in asaga iyo dhigiisa Kenya ay isla qaateena in labo Isbuuc guduhooda duulimaadka ka baxa Muqdisho uu toos u gaaro magaalada Nairobi, xili markii hore dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan ku qabeen garoonka diyaaraha magaalada Wajeer oo la sii marsiin jiray.

โ€œSidoo kale waxaan isku afgaranay in Visa-ha loo fududeeyo Diplomaasiyiinta iyo shaqaalaha oo dowladda oo ay ka qaataan Airport-ka dhexdiisa, iyo sidiia aan u kobcian lahayn dhaqaalaha labada dal.โ€ ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay ย in sidoo kale leesku raacaya in la sii xoojiyo xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale in dowladda Kenya ay tababar siiso shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya.

Shirkii IGAD.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in shirka looga hadlay arrimaha Qaxootiga, si wayna leesugu raacay inaan qasab lagu celin dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalka Kenya, wixii ku saabsan dib u celinaaatoodana ย lagala xariiro Dowladda Soomaaliyeed.

Abaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay in Abaaraha ay saameeyeen dada badan oo Soomaaliyeed laakiin haatana uu jiro gar gaar badan oo soo gaaray dowladda oo ka yimid meelo kala duwan, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida aya dhexdooda isugu Gurmadeen.

Wuxuu sheegay in Abaaruhu ay markasta soo laalabtaan laakiin loo baahanyahay in loo diyaar garoobo oo aysan dada badan oo Soomaaliyeed aysan marakasta ku dhiman.

Balamadii Madaxweynaha.

โ€œHada Xafiiska waxaan joogaa Bil iyo Sideed iyo Cisho, waxaan ku guuleystay aniga oo jooga xafiiska 15-maalmood inaan magacaabo R/wasaare, sidoo Kale R/wasaarauhuna wuxuu ku guuleystay inuu 21-cisho ku soo magacaabo Golihiisa wasiirrada, waxaan Rajaynayaa Xubnaha golaha shacabka inay si deg deg ah u ansixiyaan Golaha wasiirrada cusub.โ€ ayuu yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inuu iska sii socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro oo laga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Al-Shabaab ay dhibaato badan ku haayaan shacabka Soomaaliyeed dowladduna ay u diyaar gooroobayso dagaal ka dhana ah Argagixisada iyadoo dowladdu ay kaashanayso Caalamka.

La dagaalanka Musuq-maasuqa.

Madaxaweynaha ayaa sheegay muhiimadaha ugu horeeya dowladda inay tahay la dagaalka Musuq-maasuqa iyo Hufnaanta maamulka, wuxuuna tilmaamay Madaxweynaha in Musuqu uu yahay Kansar dilaa ah oo dowladaha baabiโ€™iya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaal badan loo galayo in Soomaaliya ay safka hore ka gasho dowladaha ku caan bahaya la dagaalka Musuqa iyo hufnaanta maamulka iyo dowlad wanaaga.

Xukuumadda Cusub.

Maxamaed C/laahi Faramaajo ayaa ugu Baaqay golaha shacabka inay Ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre, maadaama dalku haatan uu ku jiro xaalad adag loona baahanyahay waxqabad iyo isbadal deg deg ah.

Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ku yimid Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee la doortay 8-dii Febraayo ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaalyeed inay dowladda la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqayanayso in shacabku ay aaminaan in sidoo kale dalku uu la tartamo dunida kale ee hormartay ee waxqabsiga ku caan baxay.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo soo dhaweeyey Wafdi ka Socday Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post

Kulan looga hadlaayey Soohdimaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo la qabtay.

Next Post
Kulan looga hadlaayey Soohdimaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo la qabtay.

Kulan looga hadlaayey Soohdimaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo la qabtay.

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In