Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda xuska SYL ku maamuusay dhallinyarada Soomaaliyeed “Sawirro”

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda xuska SYL ku maamuusay dhallinyarada Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siisay awoodsiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggoominta dalka iyo shaqo-u-abuurka, waxaana xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti oo ay ku dhibaataysnaayeen laga soo daayey boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Taliye ku-xigeenkii qeybta guud Booliska ee Gobolka Banaadir

Next Post

Munaasabad lagu maamusayey Maalinta dhalinyaradda oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.

Next Post
Munaasabad lagu maamusayey Maalinta dhalinyaradda oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.

Munaasabad lagu maamusayey Maalinta dhalinyaradda oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In