Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maanta uu kormeer ku sameeyeyo xarumo kala duwan oo kuyaala magaaladaasi Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.
Xarumaha uu booqan doono madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Isbitalka Guud ee magaaladaasi,isagoo u kuurgalaya xaaladda Bukaanada kujira Isbitalka iyo adeegyada caafimaad ay helayaan,sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageysan doonaan maamulka iyo howlwadeenada Isbitalkaasi.
Sidoo kale waxaa lagu wada in uu taga xarunta shirkadda Koronta ee magalada Garoowe oo ah shirkad weyn oo hawada ka dhalisay Korontada,taasi oo ah shirkadii ugu horeysay oo Soomaaliya laga hirgeliyo,wuxuuna u kuurgalaya adeegyada ay ka helaan bulshada iyo sida ay u shaqeynayso.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigi doona xarumo kala duwan oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,kuwaasi oo laga dhisayto magaaladaasi Garoowe.
Ugu dambeyntiina waxaa lafilayaa in uu la kulmo ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Garoowe,isagoo maamulada iyop ardayda ka dhageysan doona warbixin ku aadan adeegyada waxbarasho iyo baahiyaha ay qabaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Garoowe waxaa lafilayaa in uu booqdo magaalooyin kale,wuxuu shalay la kulmay waxgaradka ku dhaqan magaalada Garoowe oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.