Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Miisaaniyadda Qaranka lagu dari doono ciidanka Asluubta (Sawiro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Miisaaniyadda Qaranka lagu dari doono ciidanka Asluubta (Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (26-ka Feberaayo)——–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta xabsiga  dhexe iyo Taliska ciidanka Asluubta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa wehliyey wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu horreyn  ku ammaanay ciidanka iyo masuuliyiintiisa sida ay u xanaanneeyaan carruurta marka hore aheyd Darbi-jiifka ee waddooyinka Muqdisho iyo kuwa laga keenay gobollada qaar, waxa uu intaa raaciyey in ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ay masuuliyad dheeri ah ka saaran tahay dowladda, isla markaana uu ku dhiiragelinayo howsha ay ciidanka Asluubta ka qabteen arrintaasi.

“waxaa wax lagu faani karo ah maanta heerka aan ka taaganahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, dalalka Africa oo aan aqaanno intooda badan aad ayaan uga horreynaa, Soomaaliya oo  muddo bur-bursaneyd in maanta xabsiyadeenna ay leeyihiin  adeeg walba, laguna daryeello maxaabiista, xabsiyada Africa aad ayaa loogu ciqaabaa eedeysaneyaasha iyo dambiileyaasha, laakiin waxaa muhiim ah inaan sii joogteyno, horumarinno isla markaana wax barno ciidankeenna dadaalkaas badan muujiyey, dhowaanna waxaa bilaaban doono mashaariic lagu horumarinayo qalabka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha, ayaa ballan-qaadey in hadda wixii ka dambeeya mushaaraadka ciidanka joogto loo bixin doono, waxa uu si gaar ah u sheegay in Miisaaniyadda dowladda lagu dari doono ciidanka Asluubta , si xuquuqdooda ay helaan mar walba.

ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Juhdiga uu galiyey dhismaha iyo Tayada ciidanka, waxa uu kula dardaarmay ciidanka Asluubta in ay sii laba-laabaan dadaalka ay ugu adeeggayaan shacabka iyo dowladda oo wadajira.

 

                                           —-DHAMMAAD—

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Next Post
Ciidanka Amaanka oo Noolasha ku qabtay mid kamid ah Maleeshiyadii weerartay  Maqaayadda

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In