Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Miisaaniyadda Qaranka lagu dari doono ciidanka Asluubta (Sawiro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Miisaaniyadda Qaranka lagu dari doono ciidanka Asluubta (Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (26-ka Feberaayo)——–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta xabsiga  dhexe iyo Taliska ciidanka Asluubta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa wehliyey wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu horreyn  ku ammaanay ciidanka iyo masuuliyiintiisa sida ay u xanaanneeyaan carruurta marka hore aheyd Darbi-jiifka ee waddooyinka Muqdisho iyo kuwa laga keenay gobollada qaar, waxa uu intaa raaciyey in ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ay masuuliyad dheeri ah ka saaran tahay dowladda, isla markaana uu ku dhiiragelinayo howsha ay ciidanka Asluubta ka qabteen arrintaasi.

“waxaa wax lagu faani karo ah maanta heerka aan ka taaganahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, dalalka Africa oo aan aqaanno intooda badan aad ayaan uga horreynaa, Soomaaliya oo  muddo bur-bursaneyd in maanta xabsiyadeenna ay leeyihiin  adeeg walba, laguna daryeello maxaabiista, xabsiyada Africa aad ayaa loogu ciqaabaa eedeysaneyaasha iyo dambiileyaasha, laakiin waxaa muhiim ah inaan sii joogteyno, horumarinno isla markaana wax barno ciidankeenna dadaalkaas badan muujiyey, dhowaanna waxaa bilaaban doono mashaariic lagu horumarinayo qalabka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha, ayaa ballan-qaadey in hadda wixii ka dambeeya mushaaraadka ciidanka joogto loo bixin doono, waxa uu si gaar ah u sheegay in Miisaaniyadda dowladda lagu dari doono ciidanka Asluubta , si xuquuqdooda ay helaan mar walba.

ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Juhdiga uu galiyey dhismaha iyo Tayada ciidanka, waxa uu kula dardaarmay ciidanka Asluubta in ay sii laba-laabaan dadaalka ay ugu adeeggayaan shacabka iyo dowladda oo wadajira.

 

                                           —-DHAMMAAD—

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Next Post
Ciidanka Amaanka oo Noolasha ku qabtay mid kamid ah Maleeshiyadii weerartay  Maqaayadda

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In