Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay waqtiga Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay waqtiga Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Wasiirro, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin kala duwan iyo ciidammada Xoogga dalka qeybahooda ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldegayo sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, iyadoo munaasabaddu lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026

Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa goobta ku soo bandhigay Fantasiyo qurux badan, waxaana fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga ay xafladda dhankooda ku soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada ka turjumaya xuska lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisan Tuutaha Xoogga dalka  ayaa ka qeyb-galay munaaasadda 12-ka April ee aas-aaska ciidanka Xoogga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in muddo labo sano gudahood ay ciidamada xoogga dalka ay dhagar qabayaasha Shabaab ka xoreyn doonaan guud ahaan deegaannada ay iminka ku dhuumaaleysanayaan, waxaana uu tilmaamay in meelkasta oo cadowga laga xoreeyo laga hirgelin doono maamul ay shacabka raali ka yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka meelkasta oo ay joogaan in sanadkan kiise kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Previous Post

Ciidamada booliska Galmudug oo soo badbaadiyay 8 badmaax oo ay heysteen burcad badeed

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaab waxa ay heystaan fursad ay isku soo dhiibaan”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaab waxa ay heystaan fursad ay isku soo dhiibaan”

Madaxweyne Farmaajo "Dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaab waxa ay heystaan fursad ay isku soo dhiibaan"

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In