Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sii socodsiinta howlaha golaha xukuumadda u igmaday kusimaha raiisul wasaaraha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo sii socodsiinta howlaha golaha xukuumadda u igmaday kusimaha raiisul wasaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026

Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020.

Tags: Madaxweyne Farmaajo oo sii socodsiinta howlaha golaha xukuumadda u igmaday kusimaha raiisul wasaaraha
Previous Post

Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In