Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.

“Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta.

Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen.

“Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.”

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Holland “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay wefdi ka socda Midowga Yurub +Sawirro

Next Post
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay wefdi ka socda Midowga Yurub +Sawirro

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay wefdi ka socda Midowga Yurub +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In