Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Holland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo la kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Holland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada amsterdam ee Caasimadda Holland kula kulmay saraakiil kala duwan oo ka tirsan dalkaas.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn la kulmay ku-simaha Taliyaha Booliska Amsterdam Mr. A. W. (Pim) Jansonlus, isagoo kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha hirgelinta amniga Caasimadda, si looga faa’iideysto aqoonta ay u leeyihiin dhinacyada amniga.

Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Holland sidii ay ugu soo jeedsan lahaayeen arrimaha Soomaalya, gacana ku siiyaan Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta mashaariic horumarineed iyo xal-u-helidda arrmaha Barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Midowga Dawladaha Hoose ee Holland.

Dawladda Hoose ee Xamar iyo Dawladaha Hoose ee Holland ayaa isla gartay in la sameeyo xiriir iyo wada shaqayn joogto ah iyo sidii shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar loo kordhin lahaa tayadooda aqoonta, si bulshada adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo.

Duqa Muqdisho ayaa wada olole ku aaddan sidii caalamka looga gadi lahaa in maalgashi lagu sameeyo Caasimadda, si dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan shaqo abuur.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya "SAWIRRO"

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In