Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeen ka qalin-jabiyey dugsiga tababarka Ciidammada ee TurkSom โ€œSAWIRROโ€

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeen ka qalin-jabiyey dugsiga tababarka Ciidammada ee TurkSom โ€œSAWIRROโ€
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiilย  iyo Dufcaddii 4-aad eeย  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

โ€œDowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiggaย  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo qabatay dood ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30%

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magaacabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In