Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 2, 2020
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo maanta furaya kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Related posts

Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

September 23, 2023
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

September 23, 2023

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Rajada Shacabka Galmudug Waa Midnimo iyo Horumar”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa

Next Post
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Acting PM and DPM Salah opens the Education Restructuring Conference

September 23, 2023
0

The Acting Prime Minister and the Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, HE Salah Ahmed Jama opened...

Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

September 23, 2023
0

The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, HE Hamza Abdi Barre met with the President of the United...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

September 23, 2023
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada...

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In