Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Related posts

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

September 8, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaannada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda, kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo mas’uuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

R/W Rooble oo soo dhaweeyey go’aanka FEIT ee Doorashada 2aad Jubbaland

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

September 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlaha dayactirka iyo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In