Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Taagerada ay La Garab Taaganyihiin Dowladda Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dabaal degyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub oo ka socda dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jabuuti, 24ka May, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka baambeyda, keddibna waxaa isaga iyo wafdigiisa loo galbiyay qasriga madaxtooyada oo uu wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxay isla garteen in la sameeyo guddi farsamo oo laba dhinac ah oo ay hawshiisu tahay dardargelinta qodobada la isla meel dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan sida ay ugu soo gurmadeen, walina uga qeyb qaadanayaan hawlgalka ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Xarunta Barlamaanka Jabuuti. Hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayuu kula dardaarmay in ay ilaashaadaan wadajirkooda iyo midnimdooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah ka qeybgalay xafladda furitaanka Dakadda Dooraaleh oo 15 KM u jirta caasimadda. Dakaddan oo ah mid casri waxaa maalgeliyay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe soo gabogabeyn doona safarkooda Jabuuti, waxayna uga sii gudbi doonaan dalka Qatar oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani.

Booqashadan waxaa madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Previous Post

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNOCHA Ee Soomaaliya.

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In