Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay Golaha Shacabka arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladda Dalka “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay Golaha Shacabka arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladda Dalka “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeesheen ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday in loo noqdo heshiiskii 17-ka Sebteembar ee hagaya hannaanka doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii muuqday ee dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa horu-socodka dalka, iyada oo mudnaanta la siinayo in midnimo iyo wadajirka lagu xaqiijiyo geedi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Dowladda waxaa ka go’nayd in dalku uu galo doorasho degdeg ah oo waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo 2021. Haseyeeshee, waxaan ka gudbi weynay caqabado gacan-ku-rimis ah oo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah iyo dano gurracan.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dhiirri-geliyaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, lana garab istaago Ciidamadeenna Qalabka Sida,isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana waantoobaan kicinta dadweynah iyo ficil kasta oo amniga ka dhan ah.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September

Next Post

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyey go’aanka Baarlamaanka Sooomaaliya

Next Post

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyey go'aanka Baarlamaanka Sooomaaliya

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In