Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna ammaanay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka Siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Janaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loosii adkeyn lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed si ay uga xoreeyaan dalka argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sannadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maalgashi ku samayn doonaan webiga Shabeelle si kor loogu qaado waxsoosaarka Beeraha Soomaaliya.

Waxaa kulanka kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Dhinaca Turkiga waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olgan Bekar, Madaxa Hay’adda TIKA Mudane Serdar Çam, Xildhibaan Muhammed Müfit Aydın, Xildhibaan Halil Etyemez oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Turkiga.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Shacabka Soomaaliyeed Way ka Dhawaystaan Dadyowga kale Walaalahooda Reer Turki.”

Next Post

Shirka Golaha Wasiiradda oo loog hadlay Heshiiska ay W.A. Dibadda la gashay Hay’adda MIGA, soo bandhigista Xaaladda Ceelasha biyaha, amniga guud ee dalka iyo arrimo kale

Next Post
Shirka Golaha Wasiiradda oo loog hadlay Heshiiska ay W.A. Dibadda la gashay Hay’adda MIGA, soo bandhigista Xaaladda Ceelasha biyaha, amniga guud ee dalka iyo arrimo kale

Shirka Golaha Wasiiradda oo loog hadlay Heshiiska ay W.A. Dibadda la gashay Hay’adda MIGA, soo bandhigista Xaaladda Ceelasha biyaha, amniga guud ee dalka iyo arrimo kale

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In