Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

Previous Post

R/wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee SMP3+Sawirro

Next Post

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”

Next Post
Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In