Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”

August 13, 2018
in Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Malaysia oo dhacda gobolka koonfur bari ee qaaradda Asia waxay sanadihii u dambeeyey bartilmaameed u noqotay kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo ugu soo haajiray siday uga siiwadan lahaayeen waxbarashadoda heerka sare. Malaysia waxay sidookale hoy utahay qoysas Soomaaliyeed oo sicaadi ah ugu nool kuwaas oo kujooga aqoonsi qaxootinomo. Dalkan oo ah wadan inta badan Muslim ah waxaa si wayn loogu soo dhoweeyey dadka iyo ardayda Soomaaliyeed kuwaasoo kala kulmay furfurnaan iyo ixtiraam dadka Malaysian ka ah.

 

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Ardayda Soomaalida ah ee wax ka barata wadanka Malaysia waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 2000 oo arday kuwaasoo wax ka barta Jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa ay dawladdu leedahayba. Sidookale ardayda Soomaalida ee wadanka Malaysia wax kabarataa waxay diyaariyaan heerarka Jaamacadda ee 1aad, 2aad iyo 3aad. Ardayda Soomaalida ah ee wax ka barata Malaysia oo waayihii hore la kulmi jiray caqabado dhanka adeegyada ah ayaa bogaadiyey taageerada iyo shaqooyinka ay safaaradda Soomalida ee Malaysia u qabato ardayda. Iyagoo tilmaamay in ay tahay wax lagu amaano in safaaradda iyo gaar ahaan Safiirka Somalia u fadhiya dalkayni ay ardayda garab istaageen.

Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo uu hormuud uyahay Danjire Abuukar Cabdi Cisman ayaa waxay joogteysey xiiriirka iyo u kuurgalidda nolosha iyo xaaladda waxbarasho ee ay kusuganyihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia.

Sidoo kale Safaaraddu waxay qayb wayn ka qaadatay isu soo dhowaynta, isdhexgalka iyo wada shaqaynta ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadanka Malaysia. Tilaabooyinka ay Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Malaysia qaaday waxaa ka mid ah inay safaro ku kala bixisay gobolo ka fog fog Caasimadda wadanka Malaysia sida gobolka Kedah oo ay ku yaalaan Jaamacado ay dhigtaan arday Soomaaliyeed halkaas oo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu ku tegey socdaalo uu ugu kuurgelayo xaaladaha wax barasho ee ay kusuganyihiin ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta Jaamacadahaasi. Xubno muhiim ah oo ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Malaysia ayaa hoosta ka xariiqay in safaaraddu ay si dadban iyo si toos ahba u garab istaagtay ardayda Soomaaliyeed iyo dhamaanba shacabka Soomaalida ah ee ku dhaqan wadanka Malaysia.

Iyadoo safaaraddu ka duulayso hadafka ah in la garab istaago ardayda lana taageero, Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia waxay inta badan ka qayb qaadataa munaasabadaha ay ardaydu leeyihiin, sida qalin jebinta, munaasabadaha dhiirri gelinta ee ardayda loo sameeyo iyo wacyi gelinta waxbarashada ee ardayda. Taasi waxay suura  gelisay in ardayda Soomaaliyeed ee wadankan ku sugani ay dareemaan inay leeyihiin dowlad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga warqabta xaaladaha muwaadiniinteeda qurbaha waxbarasha ugu haajiray kuwaas oo dhama wax u baranaya dalkooda Hooyo.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata wadanka Malaysia ayaa noo sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Malaysia ay waxyaalo badan oo lataaban karo ka qabatay inta badan dhibaatooyinkii ay ardaydu kala kulmi jireen dhinaca fiisaha (Dal ku galka) ardaynimada iyadoo safiirka safaaraddu uu kulamo isdaba jooga layeeshay hay’adda Malaysia uqaabilsan fiisayaasha ardayda ajaanibta ah ee lagu magacaabo Education Malaysia Global Services (EMGS). Safiirka ayaa madaxda hay’addaasi kala hadlay sidii ardayda Soomaalida loogu fududayn lahaa dal kugalka wadankaasi Malaysia si ay u fududaato in ay ardaydu si sahlan oo aan caqabad lahayn ay wadanka wax uuga bartaan, una soogalaan xilliga ay doonaan.

Sidookale, xubno katirsan ardayda Jaamacadaha Malaysia wax ka barta ee Soomaalida ah ayaa noo xaqiijiyey in dadaalo badan oo madaxda safaaraddu ay gashay kadib ay dareemayaan in Isbedel badani ka jiro dhinaca adeegyada safaaraddu ay ardayda iyo dadka caadiga ah ee degen wadanka Malaysia.  Dhanka kale ardaydu waxay intaasi ku dareen in Safaaraddu ay ardayda ufududayso waraaqaha iyo dukumintiyada ay u baahdaan, baasaboorada iyo adeegyada kaleba taasoo safaaraddu ay ardayda iyo dadka  iyo dadka aan ardayda ahaynba kaqaado qarashaad kooban oo aan ardayda iyo muwaadiniinta kaleba dhibaato ku ahayn taasoo loogu  fududaynayo adeegyada safaaradda iyo shaqaalaha u adeegaya iyaga. Ugu dambayntii waxay ardaydu intaasi raaciyeen in ay aad uugu faraxsanyihiin inay arkaan safaarad Soomaaliyeed oo u shaqaynaysa dadkeeda waxayna ku bogaadiyeen safiirka Somalia u fadhiya Malaysia Dr. Abukar Abdi Osman Mardaadi inuu sii wado dadaalada uu u hayo ardayda iyo muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee kunool wadanka Malaysia.

By Muna Ali Hassan, Kuala Lumpur, Malaysia

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya

Next Post

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka "SAWIRRO"

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In