Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 13, 2018
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi, iyadoo uu kulankaasi shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hadda ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.

“Runtii Wasaaradda dadaal ayay wadaa, Golaha Shacabka waxa ka codsanaya in Wasaaradda dastuurka iyo Guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa Wasiir ku-xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo.

“Wasaaradda iyo qubaradu aad bey u mahadsan yihiin wixii xog ahaa wa la kala helay maanta, waana la is wareystay, waxa aan ka hadleyno waa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, hadii aan la iska kaashan oo aan la istaageerin laguma guuleysanayo howlahaan socda”. ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa Wasaaradda dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

“Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad maanta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno, mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inad la timaadaan qorshe cad, Golaha Shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka uu la xisaabtamayo Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

 

——DHAMMAAD——

Previous Post

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In