Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda.

“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Previous Post

Balad Xaawo oo laga xusay 60 guurada xornimada dalka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamadda Xoogga dalka oo howgalka ay ka sameyeen shabeelaha hoose kusoo furtay saanad Ciidan.

Next Post
Ciidamadda Xoogga dalka oo howgalka ay ka sameyeen shabeelaha hoose kusoo furtay saanad Ciidan.

Ciidamadda Xoogga dalka oo howgalka ay ka sameyeen shabeelaha hoose kusoo furtay saanad Ciidan.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In