Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

 

DHAMMAAD


 

Previous Post

Dowlad goboleedka Galmudug oo cambaareysay weerarkii ka dhacay deegaanka Af-urur

Next Post

Tartamaayasha Degmada C/casiis oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamaayasha Degmada C/casiis oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamaayasha Degmada C/casiis oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In