Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka oo shalay gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa xalay Ku hooyday Magaaladaasi..

Madaxweynaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adeegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro heer Federaal ah iyo heer Gobolleed, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaaka nabadda ayaa waxaa shalay qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhanka dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobollada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in socdaal dhanka dhulka ah ugu Ambabaxaan maanta deegaanka Carmo, isagoo halkaasi uga sii gudbi doono Magaalo Madaxda Gobolka Bari ee Baasaaso, halkaas oo maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay diyaar garow ugu jiraan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Wefdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha DF Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Qorsheynta oo Diiwaanhayaha Amiirka Kuwait gaarsiiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya

Next Post
Dowladda Kuwait oo shaacisay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonto Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Qorsheynta oo Diiwaanhayaha Amiirka Kuwait gaarsiiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In