Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo ayaa kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan horumar weyn ka sameynay dhanka maamulka maaliyadda dalka taas oo hay’adda lacagta Adduunka IMF ay qirtay in wadada saxda ah ay ku socoto siyaasadda dowladda ee dhanka maamulka maaliyadda.”

Dowladda Federaalka ah ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka.

Masuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabaan duulimaadyadooda tooska ah maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:[email protected]

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale cafis u fidiyey dhalinyaradda la Khalday ee Nabad diidka u dagaalanta

Next Post

Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

Next Post
Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

Xaflad soo Dhaweyn ah oo Madaxtooyadda Koofur Galbeed loogu qabtay Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyadda.

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In