Wednesday, May 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; “Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatada argagixisadu ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay dowladda garab istaagaan si looga adkaado Alshabaab iyo Daacish oo doonaya in ay dalka dib u dhigaan ayaga oo adeegsanayo aragtiyo dadyow kale laga soo minguuriyay kuwaas oo lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

“Al Shabaab, Alqaacida iyo ISIS (Daacish) waxay isticmaalaaan qaabkii gumeystuhu u isticmaali jiray kala qeybinta dadkeenna. Waxay adeegsadaan qabaayalad iyaga oo isku dira qabiilladda, sameysatana odayaal dhaqmeed u gaar ah. Waa inaan ka xorownaa kooxahaas canaasiirta ah si aynu u gaarno nabadda iyo barwaaqadda aynu hiigsaneyno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.

Previous Post

DHAGEYSO:- Barnaamijka oo ku saabsan Taariikhda maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo

Next Post

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

Next Post
Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In