Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen xubnaha Guddiga Sare oo uu guddoomiye sharafeed u yahay Madaxweynaha, ayna xubno ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jaamacadda ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan waxbarasho bilaash ah loo fidiyo arday kor u dhaafeysa kun oo ka kala imaan doona dhammaan gobollada dalka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in xarunta jaamacadda dib loogu soo celiyo gacanta dowladda keddib 10 sano oo ay xero ciidan ahayd.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan aamisanahay in ay tahay horumar in ay nagu soo wareegtay dhismihii jamaacadda oo aan ku dhiirrigelinno ciidamada Brundi in ay ka guuraan maadaama ay meeshan tahay goob waxbarasho, annagana aan isku tashanno oo aan halkan uga shaqeyno mustaqbalka carruurteenna. Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacaddeena.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay korhdineyso miisaaniyadda Jaamacadda si dhallinyarada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg waxbarasho oo hufan.

Waxa uu intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay isku tashadaan oo ay maalgelin ku sameeyaan tacliinta si loo helo jiil ka caafimaad qaba qabyaaladda iyo xagjirnimada.

Jaamacadda oo dib loo hawlgaliyay sanadkii 2013 waxay haatan ka kooban tahay 10 kulliyadood iyada oo waxbarasho bilaash ah u fidisa arday kor u dhaafeysa 1,500 oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Jaamacadda Umadda ayaa waxa ay soo saartay aqoonyahanno iyo xirfadleyaal Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Maxaabiistii laga soo daayey Xabsiyada dalka Itoobiya “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Ra’isulwasaaraha Oo Dhiiri Geliyey Ciidammada Xasilinta Amniga Caasimadda

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Ra’isulwasaaraha Oo Dhiiri Geliyey Ciidammada Xasilinta Amniga Caasimadda

DAAWO SAWIRRADA:- Ra'isulwasaaraha Oo Dhiiri Geliyey Ciidammada Xasilinta Amniga Caasimadda

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In