Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Maxaabiistii laga soo daayey Xabsiyada dalka Itoobiya “SAWIRRO”

admin by admin
July 23, 2017
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Maxaabiistii laga soo daayey Xabsiyada dalka Itoobiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku farax sanyahay dhalinyaradan Soomaaliyeed uu arko wajiyadooda si uu ula qeyb-sado farxadda ay dareemayaan, maadaama ay dib ula midoobayaan ehelkii iyo dadkoodii, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhalinayaro kale oo ku dhibaataysan dunida oo dhan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo xor ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Mudane Khayre oo ay ka muuqatay sida uu uga murugsan yahay in dhalinyarda oo ah mustaqbalkii dalkeena ay ku jiraan xabsiyo ayaa tilmaamay in ayan jirin wax ka wanaagsan qaranimo, waxuuna yiri:

“Waxaan ka xumahay dhibaatada soo gaartay dhalinayarada Soomaaliyeed kadib dawlad burburkii Soomaaliya, taa oo keentay in dhalinyaradeenu ay u kala hayaanto wadamo shisheeye oo ay ku qabaan dhibaato, qaar-koodna ay ku jiraan xabsiyada adduunka oo cidina aysan ku ogayn, balse dawladda Soomaaliya ka shaqayn doonto sidii ay dhalinyaradaas dib ugu heli lahaayeen mustaqbalkii ka lumay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aysan gacanta ku hayn wixii ay xaq u lahaayeen dhalinyarada, balse ay ka shaqayn doonaan arrintaas si loo hagaajiyo mustaqbalka dalka maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Maxaabiista oo shucuurtooda ka hadlay ayaa muujiyey dareen wadaniyad iyo dal jaceyl ah, waxayna qireen in Soomaalidu ay danteeda ku gaari karto wadajir iyo midnimo. Waxayna codsadeen in loo sameeyo fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo, maadaama ay qaar kood yihiin dhalinyaro waxbaratay oo aqoon leh si ay dalkooda ugu faa’iideeyaan cilmigooda. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar kamid ah ehellada dadka la soo daayey, waxayna mahadcelin u jeediyeen dawladooda iyo cid walba oo gacan ka geysatay soo daynta dadkooda.

DHAMMAAD

Previous Post

DHAGEYSO:- Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Ahmiyadda Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In