Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah u furay kalfadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka DFS, isaga oo xubnaha Golaha Shacabka uga warbixiyey dadaallada dowladnimada lagu xoojinayo ee dalka ka socda. Khudbadda Madaxweynuhu waxa ay taabanaysay dhinacyda amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyo barnaamijka Is-xilqaan.

 

Related posts

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalku ay ku dhisan tahay is-ixtiraam, wax-wada-qabsi iyo tixgelinta madaxbannaanida dal walba. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in bilihii la soo dhaafay ay DFS ku mashquulsanayd xallinta isfaham darradii u dhexaysey dalalka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in hadda loo gudbey marxalad khilaaf la’aan ah (Zero Conflict).

Madaxweynaha oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Waxaa guul inoo ah inaynu bilihii na soo dhaafay aynu dadaal ku bixinnay ka qayb-qaadashada sidii loo dhammayn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay dalalka Gobolka Geeska Afrika. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka, waxaanna u gudbeynaa marxalad ku suntan khilaaf la’aan (Zero Conflict), iskaashi iyo wax-wada-qabsi.”

Waxa xusid mudan in Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay 6-dii bishan magaalada Asmara ku kala saxiixdeen heshiis Isfahan ah oo ku saabsan iskaashi dhaw oo dhexmara dalalkaas. Ka dib kulankii saddexda hoggaamiye, wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa u duulay magaalada Djibouti, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Djibouti, si ay ugala xaajoodaan dadaallada lagu heshiisiinayo Ereteriya iyo Djbouti. Dadaalladan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay qayb weyn, si gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaalo nabad iyo xasilooni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale carabbaabay in shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels ka dhacay bishii July ee sannadkan ay ka soo baxeen natiijooyin xoojinaya shirkii Golaha Amniga ee bishii Juun ka dhacay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay “Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horaantii Bisha Juun ka dhacay magaaladda Baydhabo halkaas oo lagu saxiixay hanaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Shirkaas oo isugu yimaadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna sii xoojiyey iskaashiga ka dhaxeeya Somalia iyo beesha caalamka.”

Ugu danbayntii, aqoonyahanka ka faallooda siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii Soomaaliya u soo ceshan lahayd maqaamkii ay ku lahayd Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, maaddaama oo ay hormuud ka tahay dadaallada ka socda Geeska ee lagu abuurayo iskaashi dhaw oo dhexmara dhammaan dalaka Geeska Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii ka dhacay Degmada Hodan

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QAHIRA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In