Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmajo oo bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ee xakameynta cudurka Covid-19

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmajo oo bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ee xakameynta cudurka Covid-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibbada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.
“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.”
Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka Adeegeyaasha Xarumaha Caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.
Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.
    
Post

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Xudur oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirka Hub ka dhigista ee Hirshabeelle

Next Post
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirka Hub ka dhigista ee Hirshabeelle

Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirka Hub ka dhigista ee Hirshabeelle

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In