Maanta waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu gaaro Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka.
Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Caasimad KMG ah u ah Maamulka koonfur galbeed ayaa aad loo adkeeyay Maanta , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Gakbeed & Bulshada Magaalada ayaa u diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.
Shalay Baydhabo Waxaa Gaaray Masuuliyiin Katirsan Madaxtooyada Qaranka,Xildhibaano iyo masuliyiin Kale kuwaas oo hordhac u ahaa wafdigaan.