Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xgeenka Puntland oo ugu baaqay hay’adaha in ay ka qayb qaataan gurmadka Abaaraha+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xgeenka Puntland oo ugu baaqay hay’adaha in ay ka qayb qaataan gurmadka Abaaraha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo ay wehelinayaan xubnaha guddiga gurmadka  abaaraha ayaa maanta March 10, 2016 waxa uu xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe kulan kula qaaday dhammaan hay’adaha ka hawl-gala Puntland.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdey mid isaga la mid ah oo qabsoomay Feb 16,2016-ka laguna qabtay qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe isla markaana lagu qorshaynayey qaababka kala duwan ee ay hay’aduhu uga qayb qaadan karaan gurmadka abaaraha ee afeeyey dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo kamid ah goballada Puntland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo sii dar-dar gelin lahaa gurmadka iyadoo diiradda la saari doono gobollada ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu kuwaasoo kala ah Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Sool iyo Nugaal oo dhammaantood ah dhulkii ay ku yarayeen roobabkii guga iyo dayrta ee ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa hay’adaha ka hawl-gala Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan caawimaadda dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Puntland ay gurmadka  shacabkeeda abaaruhu saameeyeen ay doorkeeda ka qaadatay isla markaana waxaa u sheegay in loo baahan yahay dhammaan dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in ay u istaagaan siday u badbaadin lahaayeen dadka iyo duunyada la daalaa dhacaya abaaraha.

Ugu dambayntii Egn.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey dadka iyo duunyadaba in uu raxmaadkiisa khayrka qaba uu siiyo kana saaro abaaraha jira.

IMG_2221 IMG_2224 IMG_2230

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In