Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxmuud Sayid Aadan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay xaalada guud ee Jubaland iyo hormarada la taaban karo ee laga gaaray dhinacyada kala duwan.
Waxaa kale oo ku simaha Madaxweynahu uu uga mahad celiyay doorka wanaagsan ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyahiin hormarka iyo dib u dhiska dalka oo kaalin weyn ay ka qaateen qurbajoogta wakhtiyadii adkaa ee uu dalkeennu soo maray.