Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xiim-Cadde

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xiim-Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaallo ka soconaya degaanka Xiim-Cadde ee hoostaga degmada Ceel-Buur ee gobalka Galguduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa galaaftay nolosha in ka badan Labaatan(20) ruux.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalada soo noq noqonaya ee ka dhacaya deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhexmaraya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.

Related posts

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026

Isku dhaca maleeshiyaadkan ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen in ka badan 20 ruux halka in ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo
dagaalkan saameeyay dadka ku nool deegaanka Xiim-Cadde, waxaana ka walaacsanahay in ay soo food saarto xaalad bini’aadanimo oo isugu jira cuno iyo biyo la’aan.

“Sidaasi daraadeed, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xabadda, maadaama aanay dadku u baahneyn dhiig macno darro ku daata, dadka ku dhimanaya dagaalkana ay yihiin dad walaalo ah” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa kooxaha nabad-diidka Al-shabaab iyokooxaha qas-wadayaasha ah in ay ka daayaan degaanka hurinta colaadaha ay ka wadaan.

Ugu dambeyntii, dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka in ay u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalkaasi isla markaana arrinta la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal.

Previous Post

Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Next Post

Turkiga oo shaaciyay Tirada askartii ka qeyb qaatayay  Afganbigii Dhicisoobay.

Next Post
Turkiga oo shaaciyay Tirada askartii ka qeyb qaatayay  Afganbigii Dhicisoobay.

Turkiga oo shaaciyay Tirada askartii ka qeyb qaatayay  Afganbigii Dhicisoobay.

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In