Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maanta kormeeray xarumaha maamulka ee Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maanta kormeeray xarumaha maamulka ee Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maanta kormeer ku aadanaa u kuurgalidda xaaladda
shaqo ku tagay qaar ka mid ah xarumaha maamulka Galmudug ee ku yaala magaalada Galkacyo.

Meelaha uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu kormeeray waxaa a mid ah Xarunta maamulka dagmada Galkacyo xarunta taliska qeybta booliiska gobalka Mudug saldhigga ciidanka booliiska dagmada iyo xarunta wasaaradda waxbarashada ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen xarunta dowladda hoose ee  maamulka dagmada Galkacyo waxa ay
kulan la qaateen xubnaha golaha deegaanka dagmada, iyagoona ka dhageeystay warbixinno ku aaddan xaaladda
shaqo ee maamulka dagmada iyo sidoo kale baahiyaha dhanka adeegga bulshada, kuwaasoo sheegay in ay jiraan baahiyo farabadan oo xiligaan aysan wax ka qabashadooda  awood u laheyn.

Sidoo kale masuuliyinta maamulka dagmada Galkacyo oo ugu horeeyo gudoomiyaha dagmada Xirsi Yuusuf Barre
ay ka codsadeen  madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa in sida uga dhaqsiyaha badan dowlad gobaleedka Galmudug ay usoo saaraan xeerkii wada shaqeeynta hay’adaha kala gadisan ee maamulka.

Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaa wax ka qabashada arimaha ay soo gudbiyeen maamulka dagmada Galkacyo isagoona xusay waxa u horeeya ee ay xoogga
saarayaan ay tahay tababarida shaqaalaha maamulka dowlada hoose.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wafdigiisa  ayaa intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa ay warbixino ka dhageeysteen sarakiisha ciidanka booliiska Galmudug taas oo inteeda badan la xariirta baahiyada adeegyada ciidanka booliiska ay u baahan yihiin iyo ka warqabidda maxaabiista iyo eedeeysanayaasha ku xiran xabsiga iyo
saldhigga magaalada Galkacyo

Previous Post

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhaweyd ka dhacay Baydhabo

Next Post

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Baydhabo “Dhageyso”

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Baydhabo "Dhageyso"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In