Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo xarigga ka jaray mashruuc laga hirgelinayo Cadaado+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo xarigga ka jaray mashruuc laga hirgelinayo Cadaado+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
Mashruucan oo degmada Cadaado looga hirgalinayay Layrarka ku shaqeeya Ilayska qoraxda oo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay soo socday ayaa xalay waxaa xariga ka jaray madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehliyaan maamulka degmada iyo mas’uuliyiin kale.
Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa sheegay in mashruucan uu degmada hormarkeeda ganacsi iyo nabadgalyaba ka qayb qaatay.
“Waxaa nagu caawisay dawlad Ingiriiska ayaa dhaqaalaha ku baxay bixisay, degmada Cadaado ayaana fulisay,  aad iyo aad ayaa looga faa’iideystay waxa ay ku soo aadeen xilligii shirka, aad iyo aad ayay bilicda iyo amnigaba uga qayb qaadatay, caawa anaga ayuu nagu wareegay guud ahaan dadka Galmudug gaar ahaan dadka Cadaado, inay ilaashadaan ayaa laga rabaa, dayactirkooda dad ayaan u tababarnay oo jooga qalabkii dayactirkana waan haynaa” ayuu yiri Tootoole.
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa u mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgalinta mashruucan, isagoo sheegay in wali Cadaado iyo degmooyinka kale ee Galmudug ay u baahanyihiin Layrarkan cadceeda ku shaqeeya.
“Waxaa farxad leh in degmada Cadaado oo ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug inay nasiib u heshay Layrarkan, laakin wali waxaan arkaynaa maadaama halkan xarunta dawladu ku shaqayso in nalalkan aysan ahayn kuwo ku filan, waxaan codanaynaa ilaa 100 kale in loogu soo daro, waxaa farxad ii ah inaan qayb ka ahaado furitaanka mashruucan” ayuu yiri Maxamed Xaashi.
Mashruucan Layrarka qoraxda ku shaqeeya ayaa ka mid ah mashraaciida hormarineed ee sanadkan ka hirgalay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
DSC08020 DSC09229 DSC09238 DSC09240 DSC09246 DSC09255 DSC09266 DSC09267 DSC09278 DSC09284
Sawir-qaade Maxamuud Cabdi Diirshe
Previous Post

Dowladda F. S. oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay dalka Sa’udi Arabia

Next Post

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka oo la soo taagay dhalinyaro Soomaali ah

Next Post
Maxkamad ku taala dalka Mareykanka oo la soo taagay dhalinyaro Soomaali ah

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka oo la soo taagay dhalinyaro Soomaali ah

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In