Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlad Jubaland Mudane maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee heer Federaal iyo heer Jubbaland ayaa waxaa Beledxaawo kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Degmada.
Mas’uuliyiinta ayaa inta ay ku suganyihiin Degmada Beladxaawo waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha bulshada iyo Maamulka Degmada.