Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay wehelinayeen Wasiirada Amniga iyo Beeraha Jubbaland, Taliyaha ciidanka xoogga Dalka qaybta 43aad iyo Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland, ayaa kormeer shaqo oo xambaarsanaa u kuurgalidda habsami u socodka howlaha shaqo ee dib u dhiska Kaabayaasha muhiimka ah ee Dowladda ay ka wado ku tagay maanta degaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose oo kamid ah meelaha fatahaadahu ay saamaynta xoogga leh ku yeesheen.
Madaxwayne ku xigeenka Labaad oo socdaalkiisa uu la xiriiray u kuurgalidda howlaha shaqo ee ka socda deegaankaasi ayaa qiiimayn iyo indho-indhayn ku sameeyey dhismaha buundada degaanka Buulo-gaduud oo ay gooyeen fatahaaddii ElNino isla markaana haatan maraysa meel wanaagsan oo ku dhaw gabogabo.
Waxaa kale oo uu la qaatay kulamo ku qotomay dardargalinta howlaha shaqo laamaha amniga ee deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.