Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Biyo Xireen Laga Hirgeliyey Deegaanka Salaxley ee Gobolka Nugaal.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Biyo Xireen Laga Hirgeliyey Deegaanka Salaxley ee Gobolka Nugaal.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Madaxweyne Karaash oo biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa.

“Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Ugu dambayn,  Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin qayb wayn oo kamida Nolosha, waxaana uu shacabka deegaanka biyo Xireenkan laga hirgeliyey kula dar-daarmay inay ilaashadaan, isla markaana uu wax wayn ka tari doono baahida dhanka biyaha ah ee mar walba soo foodsaarta.

Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley oo waxyar u jirta magaalada Garoowe ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe, waana dadaal dowladdu ay kula tacaalayso in wax laga qabto baahida dhanka biyo la’aanta ee soo wajahda dadka xoolo dhaqatada ah.

Previous Post

Wasiir Goodax oo maalintii labaad kormeer ku tagay xarumaha uu ka socdo imtixaanka shaadiga”Sawirro”.

Next Post

Xukuumadda oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Next Post
Xukuumadda oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Xukuumadda oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In