Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe oo dayactir balaaran lagu samaynaayo.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka ee dhismuhu ka socdo,kuwaas oo maraya meel wanaagsan, isaga oo warbixino ka dhegeystay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka cisbitaalka iyo Shirkadda gacanta ku haysa dhismihiisa.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Shirkadda dhisaysa Isbitaalka ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay qorshaha dayactirka balaaran ee lagu samaynaayo Isbitaalka, iyaga oo sheegay in dhismihiisu kusoo dhammaandoono muddo 6-biloood ah.
Ugu damabayn,Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kula dar-daarmay Shirkadda gacanta ku haysa dayactirka Isbitaalka inay mas’uuliyad weyn iska saaraan shaqada ay hayaan, isla-markaana dar-dargeliyaan dhammaystirkiisa.