Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 11 September 2017  qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britain) ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge.

Kulanka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey  mas’uuliyiin ka tirsan golaha Xukuumadda Puntland.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay kulanka kaddib inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Ammaanka, Nabad gelyada, doorashada Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay ku-simaha Madaxweynaha Puntland inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen ku-xigeenka safiirka Ingiriiska iyo wefdiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faa’idaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, waxaana uu tibaaxay inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxda Puntland, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Ammaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntland  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha deegaannada Puntland.

Previous Post

Iskuulka Xaawo Taako oo dib u dhis lagu sameynayo

Next Post

Faah Faahin :- 2 qof ayaa ku geeriyootay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Next Post
Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Faah Faahin :- 2 qof ayaa ku geeriyootay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In