Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixajiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 11 September 2017  qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska (Britain) ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge.

Kulanka ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey  mas’uuliyiin ka tirsan golaha Xukuumadda Puntland.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay kulanka kaddib inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Ammaanka, Nabad gelyada, doorashada Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay ku-simaha Madaxweynaha Puntland inay si qoto dheer uga hadleen arrinta abaaraha, taas oo uu xusay in ay kala hadleen ku-xigeenka safiirka Ingiriiska iyo wefdiga ay hogaaminayso qodaalka ceel-biyoodyo lagaga gaashaanto abaarta iyo sidoo kale in ceelashaasi lagaga faa’idaysan doono ku dhiirashada falashada beeraha.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa tilmaamay inay ka wada hadleen kalluumaysiga Puntland, waxaana uu tibaaxay inay arrintaasi isku afgarteen wax ka qabashadeeda.

Safiir Ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Miss. Mary Shockledge ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabashada dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay kawada hadleen Madaxda Puntland, taasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha Ammaanka, abaarta iyo doorashooyinka.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey ay Puntland  timaado safiir ku-xigeenka safaadda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay sheegtay inay aad ugu qanacsan tahay imaanshaha deegaannada Puntland.

 

Previous Post

Iskuulka Xaawo Taako oo dib u dhis lagu sameynayo

Next Post

Faah Faahin :- 2 qof ayaa ku geeriyootay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Next Post
Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Faah Faahin :- 2 qof ayaa ku geeriyootay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In