Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabbilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay arrimo ay kamid ahayeen Taageridda Wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha kusoo noq-noqday degaannada Koonfur Galbeed.