Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guriga uu ka deganyahy magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka oo isugu jiray qada sharaf iyo kala warqaadasho, isla markaasna saacado qaatay ayaa waxay iska xog-wareysteen Xaalada Dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.