Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Salva kiir oo amray in la fuliyo qodobadii ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Salva kiir oo amray in la fuliyo qodobadii ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan waxaana ay ka wada hadleen Safiirka Soomaaliya u jooga Wadanka Sudanta Koofureed iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi dhowr arimood oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa qodobadii ay ka wada hadleen labada Madaxweyne markii dhawaan uu tagay Jubba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ambassador Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Koofurta Sudan Nihal Deng uu ku soo booqday xarunta Safaarada isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha dalka Salfakiir uu amar ku bixiyay in deg deg loo fuliyo dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya ee quseeya dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi kuwaas oo mararka qaar la kulma caqabado dhanka ganacsigooda ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026

“Wasiirka ayaa nagu soo booqday xarunta Safaarada waxaan ka wada hadalnay xiriirka Soomaaliya iyo Sudanta Koofureed waxaa uu ii sheegay in Madaxweyne Salva kiir amar ku bixiyay in la fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen waxaan rabnaa in arimahaas deg deg wax looga qabto runtii wuxuu amaan u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dalkaan ku ganacsada sida wanaagsan ee ay uga dhex muuqdaan bulshooyinka kale” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan tagay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan waxaana uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool oo u soo gudbisay madaxweynaha cabasho la xiriirta in ay la kulmaan tacadiyo Madaxweynaha ayaana arintaa kala hadlay dhigiisa dalkaas Salfakiir oo balan qaaday in dowladiisu cabashooyinkaa wax ka qabaneyso si dhaqso leh.

Previous Post

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka +Sawirro

Next Post

Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Next Post
Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In