Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Salva kiir oo amray in la fuliyo qodobadii ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Salva kiir oo amray in la fuliyo qodobadii ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan waxaana ay ka wada hadleen Safiirka Soomaaliya u jooga Wadanka Sudanta Koofureed iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi dhowr arimood oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa qodobadii ay ka wada hadleen labada Madaxweyne markii dhawaan uu tagay Jubba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ambassador Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Koofurta Sudan Nihal Deng uu ku soo booqday xarunta Safaarada isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha dalka Salfakiir uu amar ku bixiyay in deg deg loo fuliyo dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya ee quseeya dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi kuwaas oo mararka qaar la kulma caqabado dhanka ganacsigooda ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Wasiirka ayaa nagu soo booqday xarunta Safaarada waxaan ka wada hadalnay xiriirka Soomaaliya iyo Sudanta Koofureed waxaa uu ii sheegay in Madaxweyne Salva kiir amar ku bixiyay in la fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen waxaan rabnaa in arimahaas deg deg wax looga qabto runtii wuxuu amaan u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dalkaan ku ganacsada sida wanaagsan ee ay uga dhex muuqdaan bulshooyinka kale” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan tagay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan waxaana uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool oo u soo gudbisay madaxweynaha cabasho la xiriirta in ay la kulmaan tacadiyo Madaxweynaha ayaana arintaa kala hadlay dhigiisa dalkaas Salfakiir oo balan qaaday in dowladiisu cabashooyinkaa wax ka qabaneyso si dhaqso leh.

Previous Post

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka +Sawirro

Next Post

Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Next Post
Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Wafdi heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca Turkiga oo berri Muqdisho ku soo wajahan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In