Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El Sisi ayaa ku dhawaaqay in dowladdda Masar ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada soo celinta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida laga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf.
Hadalka madaxweyne Sisi ayaa yimid kadib markii uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda uu kula kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka midowga Afrika oo Kigali ka socda.
Sidoo, kale madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al Sisi ayaa dhigiisa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay sii wadayaan taageerada dhinac kasta leh oo lagu horumarinaayo Soomaaliya sida uu markale sheegay Calaa Yuusf.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya, caawimaada farsamo oo Masar ay siiso Soomaaliya.
Xigasho: MENA