Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Trump oo dib u billaabay ololihiisa doorashada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Trump oo dib u billaabay ololihiisa doorashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ololoha doorashada Trump ayaa ku soo aadaya iyadoo doorashada madaxweynaha ay ka harsan tahay wax ka yer 3-todobaad, maadama doorashada ay ku jadwalaysan tahay Talaadada ugu horaysa bisha 11aad oo ku beegan 3da November, madaxweynaha Maraykanka ayaa wuxuu ololihiisa dib uga billaabaya gobalka Florida, oo ah gobal ay ku tashanayaan Trump iyo musharaxa xisbiga dimuquraadiga Joe Biden,Trump wuxuu saddex maalmood ku jiray isbitaalka ciidamada millatariga ee Welter Red gobalka Miiraliland, halkaasoo looga daweenayay xanuunka COVID-19.

Ololaha Trump ayaa ka dhici doona garoonka diyaaradaha Sanford, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa,Saraakiisha hoggaaminaya ololaha Trump ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha uu immaan doono garoonka caalamiga ee Orlando Sanford marka ay saacadda tahay 7-da fiidnimo,Kulankaan ayaa la baajiyay 2-dii bishan, kaddib markii madaxweynaha uu xanuunsaday

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Trump oo 74-jir ah wuxuu Axaddii sheegay inuu ka soo bogsaday xanuunka Covid19, wuxuuna intaasi raaciyay in maanta oo Isniin ah uu gaari doono

“Sanford, Florida oo uu ka dhici doono kulan aad u weyn!” Trump ayaa sidaasi bartiisa Twitter-ka qoray.

Trump wuxuu saddex maalmood ka hor la kulmay boqolaal qof oo ku sugnaa South Lawn oo ku yaalla Aqalka Cad, waana markii ugu horraysay uu ka qaybgalo kulan tan iyo markii uu shaaciyay in laga helay xanuunka  coronavirus.

Madaxweynahaan Jamhuuriga ka tirsan oo mar labaad u loolamaya inuu ku soo noqdo aqalka cad wuxuu raadinaya inuu wax ka baddelo ololihiisa doorashada oo ra’yi ururin la sameeyay ay muujinayso inuu ka horeeyo Joe Biden maadama doorashada ay ka harsan tahay 21 maalmood.

Previous Post

Madaxweynaha Eritrea,Isaias Afwerki oo gaaray Itoobiya.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta calanka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dawladda iyo shacabka Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta calanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In